U bood dhigaalka

Jowhar: Guddomiyaha cusub ee gobolka SH.DHexe oo xilka la wareegaya

Sheeko:War

Guddomiyaha cusub ee dhowaan loo magacaabay   gobolka SHabeelaha DHexe Cali Cabdullahi Xussein ayaa maanta gaaray xarunta gobolkasi ee Jowhar.

Wafdiga guddomiyaha ayaa waxa magaalada ku soo dhoweeyey Injineer Cabdi Jiinow Calasoow oo ah guddoomiyihii xilka laga qaaday, Maxamed Amin Cisman guddoomiyaha degmada Jowhar iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi.

Guddomiyaha maamulka gobolka SH.DHexe ayaa ka hor inta uusan soo gaarin magaalada Jowhar waxaa uu soo maray degmada Balcad, halkaas oo uu kula kulmay maamulka degmada.

waxaa la filayaa inay magaalada Jowhar ka dhacdo xaflad xil wareejin ah, taasoo uu guddomiyaha cusub kula wareegayo xilka.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyey, waxaana sugidda amaanka iska kaashanaya ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada booliska.

Horraantii toddobaadkii tegey ayaa xilka laga qaaday guddoomiyihii gobolka SH.DHexe Cabdi Jiinow Calasoow.