U bood dhigaalka

Jowhar: Kheyre Oo Dhagax Dhigay Saddex Mashruuc

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle ayaa waxa uu dhagax dhigay Saddex Mashruux.

Ugu horreyn waxa uu Ra’iisul wasaaraha xarigga ka jaray dugsiga tababarka ee ciidanka Booliiska, kaasi oo ku yaalla nawaaxiga garoonka Jowhar.

Sidoo kale, waxa uu Kheyre dhagax dhigay xarumaha baarlamaanka, Madaxtooyada iyo sidoo kale xarun ay ku shaqeyso wasaaradda maaliyadda Hirshabelle.

Waxaa Ra’iisul wasaaraha socdaalkan ku wehlinaya xildhibaanno, wasiirro iyo xubno ka socda Qaramada Midoobay, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jowhar.

Kheyre ayaa kulamo la leh qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana la filayaa in sidoo kale uu kulamo gaar ah la yeesho madaxda Hirshabelle.

Goobjoog News