U bood dhigaalka

Jowhar: Mooshin Xilka Looga Qaadayo Madaxweyne Waare Oo Socda

Sheeko:Dalka, War

Xildhibaan Axmed Cumar Gaaboow oo ku magac dheer Axmed Libi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in madaxweyne Waare uusan la imaanin isbedalkii ay ka filayeen islamarkaana ay kala hadleen arrintaasi.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle oo maalmihii dambe magaalada Jowhar kulamo uu kula qaadanayay xildhibaannada diidan ayaa isku dayay in uu ku qanciyo in xaaladda ay dejiyaan.

Laba arrin ayuu sheegay in xildhibaannada sida gaar gaarka ah ula kulmayay madaxweynaha ay kala hadlayeen.

Koox waxay doonaysaa in madaxweynaha uu xilka ka dego iyagoo u sababeynaya in uu ku fashilmay shaqadii hoggaanka maamulka halka xildhibaanno kalena ay ka codsanayeen in arrinta uu wax ka beddalo islamarkaana uu la yimaado waxqabad.

Xildhibaan Sheekh Axmed Libi ayaa sheegay in uu jiro mooshin xilka looga qaadayo, wararkaasina ay yihiin kuwa soo shaac baxay balse isaga ka ahaan aysan jirin cid ula timid sida uu hadalka u dhigay.

HOOS KA DHAGEYSO: