U bood dhigaalka

Jowhar: Musharraxiinta Hirshabelle Oo Maanta Is Diiwaangelinaya

Sheeko:Dalka

Musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulka Hirshabelle ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah si rasmi ah isku diiwaangeliyaan.

Inta la hubo 4 musharrax ayaa shaacisay iney u taagan yihiin qabashada xilka madaxweynaha ee Hirshabelle.

Xubno kamid ah guddiga doorashada Hirshabelle ayaa u sheegay Goobjoog News, in maanta ay araajida ka qaban doonaan musharraxiinta, si loo sii guda galo howlaha kale ee harsan.

Dhanka kale, ciidamada AMISOM ayaa la wareegay xarunta la doonayo in lagu qabto doorashada madaxweynaha Hirshabelle, waxaana la xaqiijiyey iney sugi doonaan amniga guud ee doorashada.

12-ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar lagu qabto doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabelle, iyadoo magaaladaasina aad looga dareemayo qabanqaabada doorashada.

Goobjoog News