U bood dhigaalka

Jowhar: Odeyaasha Dhaqanka iyo Ergaga oo Intooda Badan Gaaray

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle gaaray inta badan odeyaasha dhaqanka iyo ergada iyada oo la filayo in xulistii bilaabato.

Inkasta oo jawdalka iyo qorshihii hore la baalmaray, oo aaney hirgelin hadana waxaa Jowhar ku sugan inta badan Ugaasyada, Wabarada iyo odeyaasha kale ee baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle soo xulayey.

Dhanka kale, waxaa uu loolan adag ka jiraa madaxweynaha, iyada oo beelaha qaar ay sheeganayaan in jagada madaxweynaha ay iyagu leeyihiin halka 11 beel ay wax ku qeybsatay Hirshabelle.

Goobjoog News