U bood dhigaalka

Jowhar: Odoyaasha Dhaqanka oo Ku Mashquulsan Xulista Ergada Shirka

Sheeko:Dalka

Waxaa maalintii labaad galay shirka Jowhar oo talaadadii dib looga furay halkaas, waxaana socda shirar gaar gaar ah oo la sheegay in lagu xulayo ergada labada gobol uga qeyb galeysa shirka.

Odoyaasha dhaqanka labada gobol ayaa lagu wadaa in ay doortaan min 35 ergo oo kala matalaya Hiiraan iyo Shabeelaha hoose si shirka howlihiisa u bilaabo.

70-tankan ergo waxaa ay mas’uul ka noqon doonaan shirka iyo habsami u socodkiisa iyo dhamaan doorashooyinka  iyadoo wixii farsamo ah ama fududeyn ah kala xiriiri doona guddoomiyeyaasha labada gobol Shabeelaha dhexe Cali Guudlaawe iyo Hiiraan Yusuf Hagar.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa ayaa talaadadii sheegay in dowladda ay horay qalad u gashay markii ay magacawday guddi farsamo, hadana ay odayaasha faraha uga qaadey.

Dhankiisa Wasiirka amniga gudaha waxaa uu madasha ka sheegay in ay shirka keeni doonaan dadka uu ugu yeeray dibad joogga.

Wixii warar ah oo Shirka ku saabsan kala soco, Goobjoog News