U bood dhigaalka

Jowhar Oo Lagu Dooranayo Xubnaha Aqalka Sare Ee Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah ay doortaan 8 xubin ee u matali doonta aqalka sare ee baarlamaanka.

Waxaa guud ahaan degmada Jowhar laga dareemayaa qaban qaabada doorashada xubnahan, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin caan ah, iyadoo amniga magaaladaasina yahay mid aad loo adkeeyey.

Shalay ayeey ahayd in xildhibaannada Hirshabelle ay doortaan xubnaha aqalka sare, hase ahaatee kooramka uu ku furmi lahaa baarlamaanka Hirshabelle oo aan soo dhameystirmin awgeed ayeey doorashada dib u dhacday.

Cismaan Barre Maxamed oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa shalay sheegay in Arbacada maanta ah ay dhici doonto doorashada, wuxuuna ugu baaqey dhammaan xildhibaannada Hirshabelle in kulanka ay soo xaadiraan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News