U bood dhigaalka

Jowhar: rag kaganacsada maandooriyayaasha oo xukun lagu riday

Sheeko:Dalka

Maxkamadda racfaanka ee gobolka sh dhexe ayaa xukun ku riday dad lagu soo qabtay iibinta waxyaabaha maanka dooriya ee Magaalada Jowhar xarunta Gobolka SHabeelaha dhexe.

Gudoomiyaha maxkamadda racfaanka ee Gobolka Sh dhxe Sheekh Axmed Ibraahim Sayid oo la hadlay Goob-joog FM ayaa sheegay in 2-rag ah oo loo soo qabtay iibinta waxyaabaha maandooriya ee lagu iibiyo magaalada Jowhar, Maxkamadu ay ku xukuntay mid 1-sano oo xarig ah.

Waxa uu ka goodiyey Gudoomiyaha maxkamadda racfaanka ee Gobolka Sh dhexe inay sii socdaan dagaalka ka dhanka ah iibinta maandooriyasha isaga oo fariin u diray shaqsiyaadka Maandooriyaha ka ganacsada eek u sugan dagmooyinka Gobolka sh dhexe.