U bood dhigaalka

Jowhar: Shirar Looga Hadlayo Doorashada Oo Ka Socda

Sheeko:Baarlamaanka

Kulankani ka soconaya magaalada Jowhar ayaa looga hadlayaa arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya gaar ahaan aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka.

Wakiilka Qaramada Madoobe ee Soomaaliya Micheal Keating iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cosoble ayaa si wadajir uga wada hadlaya doorashooyinka iyo caqabada jira.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulankani ay qeyb ka yihiin guddiga doorashada heer gobol ee maamulka Hirshabeelle.

Dhanka kale, magaalada Jowhar waxaa ka soconaya kulamo ay ka qeyb galayaan xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, taliyaha booliska dowladda iyo taliyaha ciidanka nabad sugidda ee NISA.

Lama oga waxa kulamadani ay ka qeyb galayaan booliska, NISA iyo xeer ilaalinta waxa looga hadlayo.

Wixii soo kordha dib kala soco

Goobjoog News