U bood dhigaalka

Jowhar: Shirkii Hirshabeelle Oo Hakad Galay Iyo Kulamo Ka Socda

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inuu hakad ku jiro shirkii maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Shirka ayaa waxaa uu hakad u galay kadib markii madmadow uu soo kala dhex galay siyaasiyiinta u musharrixiinta ah iyo guddiga doorashada ee maamulka Hirshabeelle.

Dadaallo lagu xalinayo khilaafka ka taagan shirka Hirshabeelle ee Jowhar ayaa ka soconaya magaaladaasi.

Kulamada ka socda magaalada waxaa ka qeyb galay musharrax Cali Xasan Taakow, guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Jimaale iyo siyaasiyiinta kala ah Muuse Suudi Yalaxow iyo Cali Mahdi.

Kulamadani ayaa lagu xalinayaa khilaafka ka dhex taagan guddiga doorashada ee dowladda iyo musharrax Cali Taakow oo sabab u noqday in xaruntii shirka ay isku geedaameen ciidamo taabacsan musharraxaasi.

Goobjoog News