U bood dhigaalka

Juba Express iyo WorldRemit oo daahfuray addeegga bixinta lacagaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Sheeko:Dalka

3 September 2020: Shirkadda Jubba Express, oo ka mid ah xawaaladdaha sida xawliga ah u koraya iyo WorldRemit, oo ah shirkadda hogaaminaysa bixintalacagaha adduunka ayaa isku xirmaya si ay soomaalidda u siiyaan fursad ay ku helaan lacagaha ay u soo direen qoyskoogga iyo  asxaabtoodda  ku kala nool in ka badan 40 Wadan oo adduunka ah oo ay kujiraan Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka, Austraaliya, New Zealand, Kanadda iyo Yurub.

Sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka, qiyaastii $ 1.4 bilyan lacag xawaaladdeed ah ayaa loo soo diraaSoomaaliya sanadkii oo ay u soo direen qiyaastii labadamilyan oo ku nool qurbaha. Xawilaadda lacagaha oo ka ah 24% waxsoosaarka guud ee wadanka waxa ay kaalinmuhiim ah kaga jirtaa horumarka iyo nolasha dad badanoo soomaali ah si ay helaan cunno, hoy, waxbarasho, addeeg caafimaad iyo sii waditaanka ganacsiyadoodayar yar.

Waxaan ku faraxsanahay in aanu awoodno siintafursadan qaaliga ah Soomaalida. Wadashaqayntashirkaddaha Juba Express iyo WorldRemit awgeedwaxa aanu xoojinaynaa in macaamiisha oo dhami ay heli doonaan addeeg xawaaladeed oo aamin ah, degdegsiimo iyo waayo-aragnimo qiimo la tartami karasuuqa.” Sidaa waxa yidhi Cali Rashid, MaamulahaHorumarinta Ganacsiga, Shikadda Juba Express.

Soomaaliddu waxa ay si fudud lacag ugu diri karaanwaddankii iyaga oo og in ay caawinayaan qoyskooggaiyo asxaabtooda si ay ugu abuuran fursado cusub oomuhiim u ahaa xubin kastoo qoyska ka mid ah. Sidaawaxaa yidhi Axmed Tani, Agaasimaha Wadanka eeShirkadda WorldRemit. Intaa waxaa dheer, xidhiidhkani waxa uu dardargelin doonaa kobocadhijitaalka ah ee xawaaladdaha.”

Habka lacag bixinta ee WorldRemit wuxuu u oggolaanayaa macaamiisha in ay lacag u diraanSoomaaliya si Dhigital ah 24/7 markay doonaan sidegdeg ah oo amaan ah iyaga isticmaalaya barnaamijkatelephoonka ee WorldRemit ama barta internetka ee ah www.worldremit.com.

Qaataha lacagtu uma baahna in uu haysto telefoon-ka casri-ga ah waxaanu si sahlan uga qaadanayaan lacagtaxarumaha iyo laamaha xawaaladda Juba Express eeguud ahaan Soomaaliya.

WorldRemit waxay kula talineysaa macaamiisheediihore in ay dib ula soo degaan barnaamij-ka telefoonkanoociisii ugu dambeeyay ee google play ama app store-ka. Marka ay cusbooneysiistaan barnaamijka, Macaamiishu waxa ay dooran karaan sidii ay lacag ugudiri lahaayeen Soomaliya iyaga oo ka dhex dooranayawaddamada lacagta loo diro, ka dibna galinaya xadigalacagta ay dirayaan iyo faahfaahinta qaataha si ay u dhamaystiraan dhaqdhaqaaqa

Macaamiisha ku sugan Soomaaliya iyada oo loo soomarinayo WorldRemit waxay lacagta ka heli karaanqoyskoogga iyo asxaabtooda ku nool in ka badan 40 ka waddan oo aduunka ah. Booqo mareegta WorldRemit siaad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsansidii lacag loogu diri lahaa soomaaliya ama la soodeg barmaamijka aaladda telefoonka ee IOS amaAndroid.