U bood dhigaalka

Jubbaland: 7 Askari Oo Xukun Xabsi Ah Lagu Ridey

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa maanta oo Isniin ah waxay xukun xabsi ah ku riddey 7 askari oo ka tirsan ciidanka maamulkaasi.

Askartaan la xukumay ayaa lagu soo eedeeyey in bishii 11-aad sanadkii 2016-ka ay weerar ku qaadeen Maxjarka Kismaayo halkaasi oo Labo askari Booliis ah ay ku dhaawaceen.

Guddoomiye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed oo ku dhowaaqay xukunka askartaan ayaa sheegay in lagu xukumay min Saddex sano oo xabsi ciidan ah.

Magacyada la xukumayaasha iyo da’dooda:

Cabdi Xasan Gaabow (25 Snao jir)
Cilmi Farey Maxamed (22 Sano jir)
Ilyaas Maxamed Cariif (21 Sano jir)
Cali Muuse Doole (22 Sano jir)
Cabdi Yuusuf Shiine (20 Sano jir)
Axmed C/laahi Xasan (22 Sano jir)
Daahir Yuusuf Xasan (19 Sano Jir)

Maxkamadda ciidamada Jubbaland ayaa sidan oo kale waxay xukunno kala duwan horey ugu riddey askar ka tirsan maamulkaasi.

Goobjoog News