U bood dhigaalka

Jubbaland: Amniga Wax Gor-gortan Ah Lagama Gelayo

Sheeko:Amniga

Golaha amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa yeeshay kulan looga hadlay xaaladda guud ee magaalada Kismaayo iyo weerarkii dhowaan ka dhacay magaaladaasi.

Shirkan waxaa guddoomiyey madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana looga hadlay sidii gacan adag loogu qaban lahaa ammaanka magaaladaasi.

Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa warbaahinta u faah faahiyey waxyaabihii shirkaasi looga hadlay.

Wuxuu sheegay madaxweyne ku xigeenka, in la isku raacay garab istaagga shaqsigii lahaa Hotelka Cascasey iyo sidii looga caawin lahaa dib u dhiskiisa.

Sidoo kale, Sayid Aadan ayaa sheegay in shacabka Jubbaland looga baahan yahay iney kala saaraan ammaanka iyo siyaasadda, wixii amniga ku saabsanna aanay marnaba wadahadal ka geli doonin.

“Waxaan leenahay hala kala saaro ammaanka iyo siyaasadda, amniga wax gor-gortan ah lagama gelayo” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland.

Dhismaho iyo dhaawac ayaa ka dhalatay weerar Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Cascasey ee magaalada Kismaayo, xilli amniga Jubbaland ahaa mid aad loo adkeeyey.

Goobjoog News