U bood dhigaalka

Jubbaland: Cumar Ibraahim Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga HOP#114, oo maanta lagu dooranayay magaalada Kismaayo.

Kursigaan ayaa waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullahi.

Cumar Ibraahim Xaashi ayaa ku guuleystay kursiga HOP 114 ee Golaha Shacabka , kadib markii uu helay 80 halka musharixii la tartamayay ee Cabdi Aadan Cabdullahi uu helay 12 cod .

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Jubbaland SEIT ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga HOP#114 oo uu ku guuleystay Cumar Ibrahim Xaashi.
Goobjoog News