U bood dhigaalka

Jubbaland: Dagaal Beeleed Ay Ku Geeriyoodeen In Ka Badan 20 Qof

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo duleedka magaalada kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal beeldeed halkaasi ka socday ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 20 qof.

Dagaalkan ayaa ka soconaya deegaanka Sanguuni oo qiyaastii 60-km dhinaca xeebta kaga beegan magaalada Kismaayo waxa uuna u dhaxeeyaa laba maleeshiyo beeleed oo sida la sheegay isku haysta dhul daaqsin.

Wasiirka warfaainta maamulka Jubbaland Eng Cabdi Xuseen Axmed oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan oo igu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa uuna xusay in dhaawac fara badan la geeyay magaalada Kismaayo.

“Dhimashado mayaro labaatameeyo labada dhinac ah waa ay gaaraysaa waa ay jiraan dhaawacyo la keenay magaalada kismaayo” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland.

Dagaal beeleedyada ka qarxa deegaanada iyo degmooyinka qaar ee dalka ayaa intooda badan waxa ay salka ku hayaan dhul daaqsin iyo aanooyin qabiil iyada oo aysan jirin wali wax xala oo loo helay dagaal beeleedyada ku soo noqnoqda dalka.

Goobjoog News