U bood dhigaalka

Jubbaland: Dagaalka Gaalkacyo Halagu Bedalo Wada Hadal

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaallada kusoo noqnoqday magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee maamulkaasi Suldaan C/qaadir Luga Dheere oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug aaney weli ku guuleysan iney damiyaan colaadda Gaalkacyo.

Ka maamul ahaan ayuu sheegay Madaxweyne ku xigeenka in ay diyaar u yihiin kala dhexgelista maamullada Puntland iyo Galmudug, iyo sidoo kale joojinta dagaallada Gaalkacyo.

“Waxaa nasiib darro ah in madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug iney xallin waayaan khilaaf yar oo dhaxdooda ah oo sababay dhimasho, barakac, qalqal siyaasadeed iyo mid amni, waxaan soo jeedineynaa in lagu bedalo wada noolaansho iyo is afgarad, waxaan ognahay in dagaalladii sokeeyey meelihii kasoo billowdeen Gaalkacyo ka mid tahay, waxaan ku hanweyneyn in walaalaheen waayo arag ku noqdeen dagaalladii dhacay iyo wixii lasoo maray, dowlad goboleedka Jubbaland waxay diyaar u tahay in wada hadal nabadeed kusoo dabaalno, dhexgalno, ka qeybgalno xabad joojinta, wada hadalka dhexda ka galno, waxaan diyaar u nahay in la joojiyo dhiigga walaalaheen ku dagaallamaya Gaalkacyo” ayuu yiri madaxweyne ku xigeeenka.

Dagaal u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana mudadii ay dagaalladan socdeen ay sababeen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Goobjoog News