U bood dhigaalka

Jubbaland: Doorashada Lix Kursi Oo Ka Socota Kismaayo

Sheeko:Amniga

Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Jubbaland waxaa saaka ka socda doorashada kuraas ka tirsan golaha shacabka.

Lix ka mid ah kuraasta dowlad gobaleedka Jubbaland ku leedahay golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto magaalada.

Kuraasta la dooranayo ayaa kala ah :-

1: HOP#: 82

2: HOP#: 108

3: HOP#: 113

4: HOP#: 134

5: HOP#:203

6: HOP#:217

Kuraasta maanta la dooranayo ayaa baarlamaanki 10-aad ee waqtigiisa dhamaaday waxaa ku matalayay Jubbaland xildhibaanada kala ah:-

HOP#082: waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya Xildhibaanad  Xamse Xuseen Sheekh Colow.

HOP#108: waxaa Jubbaland ku metalay Baarlamaankii 10aad ee Waqtigiisu dhammaaday Xildhibaan Maxamed Cali Cumar.

HOP#113: waxaa Jubbaland ku metalay Baarlamaankii 10aad ee Waqtigiisu dhammaaday xildhibaanad Maryan Aweys Jaamac ayaa ku fadhisa.

HOP#134: waxaa Jubbaland ku metalay Baarlamaankii 10aad ee Waqtigiisu dhammaaday xildhibaanad Sahra Jaamac Cali Qoorsheel .

HOP#203: waxaa Jubbaland ku metalay Baarlamaankii 10aad ee Waqtigiisu dhammaaday xildhibaanad Sahra Xaaji Xuseen Cali .

HOP#217: waxaa Jubbaland ku metalay Baarlamaankii 10aad ee Waqtigiisu dhammaaday xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) .

Goobjoog News