U bood dhigaalka

Jubbaland: Dowlad Goboleedkii Ugu Horreeyey Oo Diyaarad Gaar Ah Yeesha

Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee yeesha diyaarad gaar ah oo madaxda iyo martida maamulkaasi ku safri karaan.

Diyaaraddan oo markiiba qaadda 50 qof, ayaa duulimaadkii ugu horreeyey waxay shalay ka sameysay magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo.

Waxay ay wadday madaxweynayaashii hore ee K/galbeed iyo Galmudug, xildhibaanno iyo siyaasiyiin dhwor ah oo ay kasoo qaadday magaalada Nairobi.

Sida ay inoo sheegeen mas’uuliyiin Jubbaland ah, diyaaraddan ayaa lagu soo daabuli doonaa madaxda ka qeybali doonta caleemasaarka madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Inkastoo ay DFS cadaadis dhanka duulimaadka ah saartay magaalada Kismaayo, ayaa diyaaraddan waxay noqotay mid dhinac martay ammarkii diyaaradaha lagu soo rogey ee ahayd in ay soo maraan Muqdisho, kahor inta aanay tagin magaalada Kismaayo.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in ulajeedka Jubbaland diyaaradda u keensatay ay tahay iney madax badan lagu daabulo, maadaama diyaaradaha kale aanay toos u tagi karin ama uga bixin karin Kismaayo iyaga oo aan magaalada Muqdisho soo marin.

Goobjoog News