U bood dhigaalka

Jubbaland: Howlgallo iyo Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Oo Ka Socda Jubbada Hoose

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay howlgallo saacadihii la soo dhaafay laga fuliyay qeybo ka mid ah gobalka Jubbada hoose iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo deeganadaasi laga dareemayo.

Afhayeenka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in ciidamada amniga maamulkaasi ay howlagallo ka sameeyeen deeganada kala ah Qudus iyo Beexaani oo dhamaantood hoos yimaada magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose, waxa uuna intaas ku daray in wali howlgallada ay socdaan.

Sidoo kale Afhayeenku waxa uu tilmaamay in ciidanka Jubbaland ay mar waliba diyaar u yihiin sidii ay sugi lahaayeen amniga deegaanadooda.

Dhinaca kale waxaa ciidamo aad u fara badan ayaa la soo dhoobay deegaanka Diif oo ka tirsan gobalka Jubbada hoose sidoo kalane ku yaalla xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya, waxaana la sheegay in ciidankaani ay dhaqdhaqaaqyo ka sameyn doonaan goobaha ay ku suganyihiin dagaalamayaasha Al shabaab.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shalay gaaray magaalada Dhoobleey ee gobalka Jubbada hoose, waxaana la filayaa in halkaasi uu ka bilaabo dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Goobjoog News