U bood dhigaalka

Jubbaland Iyo Dhacdooyinkii Ugu Muhiimsanaa January 2016

Sheeko:Dalka

January 2, 2016: Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ugu horeyn waxa uu sharaxaad ka bixiyay safar uu ku tagay dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Waxa uu sheegay in shirar ay la soo yeesheen madaxda dalalkaasi oo ay kala soo hadleen arrimo ku aadan amniga, iyo sidoo kale arrimaha madasha wadatashiga iyo hiigsiga 2016.

Dhammaan safaradaasi ayuu sheegay in uu guul ku soo dhammaadeen, waxaana uu tilmaamay in xilligaan ay diyaar garow ugu jiraan shirka  la filayo in 10-ka bishaan uu ka furmo magaalada Kismaayo.

January 2, 2016: Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay kasoo wada hadleen si gaar ah howlgalka Wabiga Jubba oo uu sheegay in bishaan aynu ku guda jirno (January) ka billaabmi doono deegaanada maamulka Jubbaland uu ka arrimiyo, kaaso oo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab.

January 3, 2016–  Dagaal Ciidamada dowladda dhexdooda ah ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 ka tirsan dhinacyadii dagaalayey.

Dagaalka waxaa uu ka dhacay Baraawe oo ka tirsan Gedo, lama oga sababta, laakiin waxaa la sheegayaa in dhacdooyinkan ay soo noqnoqdaan.

January 5, 2016: Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu daad gureynayaa ciidamo Itoobiya ka socda, kuwaasi oo beealaya ciidamadii Sera Leone oo ka baxay gobolka Jubbada Hoose.

Billawgii Todobaadkan waxaa magaalada Kismaayo laga dejiyay ku dhawaad 300 oo ciidamo Itoobiyaan ah, kana mid ah howlgalka AMISOM.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in magaalada Kismaayo lagu daabulayo ciidamo kale oo isla dowladda Itoobiya ka socda, kuwaasi oo howlgallo ka billaabi doona gobolada Jubbooyinka.

January 6, 2016:  Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda ee Gedo ayaa halkaas lagu dilay.

Faarax Cali Cabdi (Hariye), Faarax ayaa bilowgii sanadkii 2015-ka isu soo dhiibay Ciidamada Dowladda Somaliya, ee degan Deegaanka Ceelcadde, oo qiyaastii 60km u jirta Xarunta Gobolka Gedo Ee Magaalada Garbahaarey.

Dilka waxaa xaqiijiyay Col Mohamed Mo’alin Guhad oo ah sarkaal ka tirsan Bardere, labo nin oo Bistoolado ku hubeysan ayaa dilay.

January 7, 2016: Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga guddoomiyaha oo ka amba-baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanno gaaraya 25 mudane.

January 10, 2016: Dagaal ka dhacay Baardheere, Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku geeriyooday dagaalka, sidoo kale waxaa jirta waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah iyo ciidamada intaba, balse ma cadda Khasaaraha rasmiga ah inta uu la eeg yahay.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Saldhiga ay weerareen ciidan ka tirsan Dowladda, balse ka careysan dil 6-dii Bishan Magaalada Baardheere loogu geystay Sarkaal ka tirsanaan jiray Shabaab, balse markii dambe ku soo biiray ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo.

January 10, 2015: Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxaa gaaray madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Cabdikariin Guuleed oo saxaafadda kula hadlay Garoonka Kismaayo ayaa sheegay in magaaladaasi uu u tagay sidii uu uga qeybgali lahaa shirka madasha wadatashiga qaran ee maalinta xigta ka furmaya Kismaayo.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Puntland oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay inuu yimaado magaalada Kismaayo, isaga oo hoosta ka xariiqay in wax laga hadli doono ay tahay aayaha Soomaaliya iyo sidii la’isugu raaci lahaa meel qura oo ku aadan doorasho dhacdo.

January 12, 2016: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaannada Baarlamaanka u metela madatasha Wadatashiga qaran ee doorashooyinka ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubbaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Madaxweynaha Jubbaland, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo horey u joogay magaalada Kismaayo iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland.

 

January 13, 2016: Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw waxa uu gaaray magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa furi doona shirka madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayo nooca doorasho ee dalk ka dhici karta sanadkaan 2016.

January 15, 2016: Weerar xooggan ayaa saaka ka soconaya xero ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo halkaas oo laga maqlayo daryanka hubka waa weyn iyo kuwa fudfudud.

Wararka ka imaanaya deegaankaaasi ayaa sheegaya in rag hubeysan oo tiradooda aan la sheegi Karin ay weerareen xaruntaasi, loona meleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

January 17, 2016: Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in shirkii halkaasi uga socday Madasha Wadatashiga Qaran uu kusoo dhamaaday is faham waa.

Madaxdii ka qeybgalaysay shirkaasi ayaa isaga soo kala tagay magaalada Kismaayo, iyadoo weli waqti rasmi ah aan loo qaban waqtiga kale ee la’isku imaan doono.

January 17, 2016: Ciidamada Militariga Kenya oo ku sii siqaaya Degmada Ceelcadde Ee Gobolka Gedo, ayaa waxay galabtaas siyaabooyin kala duwan ay duleedka Degmadaasi ugu dileen illaa saddex qof oo rayid ah.

Militariga Kenya, ayaa waxaa uu dadkan oo xoolo dhaqato ahaa uu ku dilay Deegaanka Sanose, xilli sida la sheegay ay ka baadigoobayeen qaar ka mid ah askartoodii maalintii Jimcaha lagu waayay, weerarkii ay Shabaabku ku qaadeen Degmadaasi Ceelcadde.

January 19, 2016: Ciidamada dowladda Kenya ayaa dib ula wareegay deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo kadib markii deegaankaasi ay Jimcihii la wareegeen ciidanka Al-shabaab.

Ciidamadaan oo aad u hubeysnaa, dhanka cirkana ay ka kaabayeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa la sheegay in dagaal la’aan ay ku qabsadeen deegaankaasi.

January 19, 2016: Korneyl Aadan Axmed Xersi (Rufle) oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay cadhadii Kenya ay ka qaaday weerarkii Ceelcadde inay kula dul dhacday dadka shacabka ah oo Diyaaradaha Kenya ay laayeen dad maati ah.

Aadan Rufle, ayaa sheegay tan iyo maalintii Jicmaha Duqeymaha ay bilaabeen Diyaaradaha Dagaalka Kenya inay ku laayeen dad shacab ah oo gaaraya 17 ruux inta ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, ku dhawaad 30 ruux oo dhaawac ahna ay jiraan oo qaarkood weli dhiig baxaya oo aanan haysan daawooyin iyo Daryeel caafimaad.

January 21, 2016: Qoysas ka badan Kun islamarkaana Xoola dhaqato reer guuraa ah , kana kala imaanaya qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka iyo dhulka miyiga ah ayaa waxay billaabeen 3-dii Todobaad ee ugu dambeeyey in ay u hayaamaan deegaanno ka tirsan Gobolada Jubbooyinka oo ay deriska yihiin gobolkan, iyadoo ulajeedka Xoolo dhaqatadani ay tahay sidii Xoolahooda ay u heli lahaayeen biyo iyo baad ku filan inta lagu jiro jilaalka.

Xoolo dhaqatada oo aan kula kullannay Buundada Baardheere ayaa sababta ay ugu socdaan Gobolada Jubbooyinka waxay ku sheegeen daaqii iyo Biyihii ay ka heli jireen Gobolka Gedo oo aad u yaraadey, roob yaraan darteed, daaqa iyo Biyaha ay ka helayaan Deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbooyinka oo Xoolo dhaqatada gaarsiinaya illaa roobabka la filayo in ay da’aan xilliga Gu’ga.

January 23, 2016: Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan weeraro ka dhan ah Al-shabaab, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaannada Jubbaland.

Axmed Madoobe oo kormeer ku tagay xerooyinka ay ku xarreysanyihiin ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa sheegay in la xoojin doono tababarada ciidamada, islamarkaana ciidanka laga doonayo inay dhulkooda hantaan.

Waxa uu sheegay in ciidamada xogga dalka ay yihiin kuwa la doonayo in looga maarmo ciidan shisheeye islamarkaana bedala AMISOM, balse intaasi kahor looga baahan yahay inay adkeysi badan muujiyaan.

January 24, 2016: Maxamed Mahad oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay Kenya inay si xaqdaro ah u laynayso dadka shacabka ah iyo kuwa reer miyiga ah ee Gedo jooga.

Waxa ay Kenya ku mar marsiyoonaysa ayuu yiri Sarkaalkaan in Diyaaradaha Kenya beegsanayaan Shabaabka, maadaama Shabaab ay haystaan ciidan u dhashay dalka Kenya oo Afduub ahaan gacanta Shabaabka ku jira.

Duqeymihii ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay Gobolka Gedo, ayuu sheegay in lagu dilay 12 ruux oo Rayid ah iyo Xoolo isugu jira Ari iyo Lo’ intaba

January 26, 2016: Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in xoolo dhaqatadii ku dhaqnaa gobalkaasi ay billaabeen inay ka barakacaan deegaanadoodii kadib duqeymo ay halkaasi ka wadeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya.

Meelaha ugu badan ee dadkani ka barakacayaan ayaa ah deegaanno ku dhaw degmooyinka Baardheere, Ceelcadde iyo Garbahaarey.

January 27, 2016: Gudoomiyihii Deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa in uu ku geeriyooday weerar ka dhacay duleedka Degmadaas
Ciidamada Kenya ayaa rasaas ku furay Guddoomiyaha xilli ciidamada ay ku sugnaayeen Deegaanka Likooley, ayna ka ambabaxeen Degmada Ceelcadde ee Gobolkaasi.

Korneyl Aadan Rufle oo ka tirsan Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in ciidanka Kenya ay dileen C/rashiid Cali Cabdi (Qoorlex) oo ahaa Guddoomiyihii Ceelcadde.

January 28, 2016: Wararka ka imaanaya Ceelcadde ayaa sheegaya in qoysas u badan xoolo dhaqato ay dib ugu laabanayaan Ceelcadde.

Qof ku sugan deegaanka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in  qoysaskii deegaankaasi deganaa ay dib ugu soo laabanayaan.

Dadkan oo markii hore uga salkacay guryahoodii oo ku yaalay degaanka ceelcade  saamayn ka soo gaari karta baqdinta ay ka qabeen dagaal dhaxmara Xarakada Al-Shabaab iyo Ciidanka Kenya ayaa hadda bilaabay inay dib u gurya noqdaan .

January 30, 2016: Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa koox hubaysan waxa ay ku dhawaceen Degmadaas.

Gudoomiyaha Maxkamada oo Lagu Magacaaba Shiikh Ibraahin  Nuur Shacbaan waxana lagu dhawacay meel u dhow Gurigiisa.

Mawduucyada:Gobollada