U bood dhigaalka

Jubbaland iyo Puntland Oo Ku Baaqay In Shir Deg Deg Ah Xamar La Isugu Yimaado

Sheeko:Amniga

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntaland ayaa soo saaray qoraal wada jir ah oo ay ugu baaqeen in la isugu yimaado si xal looga gaaro caqabadaha hortaagan doorashooyinka dalka.

Qoraalka ka soo baxay dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in dhamaadka bishaan magaalada muqdisho la isugu yimaado si xal deg deg ah looga gaaro khilaafka arimaha doorashooyinka, lana xaliyo tabashooyinka .

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in qilaafka daba dheeraday ee ka dhax jira doorashada uu dalka u keenay Amni daro.

Hoos Ka Akhriso War Murtiyeedka Wada Jirka ah ee Puntland iyo Jubbaland