U bood dhigaalka

Jubbaland: Magacyada Xildhibaannada Cusub, Wasiirro Iyo Xildhibaanno Dib Loo Doortay Iyo Musuqii Doorashada

Sheeko:Dalka

Waxaa la soo gabagabeeyay doorashada aqalka hoose ee maamul goboleedka Jubbaland, ilaa 43 Xildhibaan oo ka tirsan aqalka hoose ayaa lagu doortay magaalada xeebta ah ee Kismaayo.

Toban(10)ka mid ah dadka la dooray waa  Haween ka tirsan beelaha dega Jubbaland, taas oo ka dhigeysa in haweenka ay Jubbaland kuraasteeda 43-ka ah ka heleen 23.3%.

Ergada magaalada Kismaayo wax ku dooratay waa ergo gaareysa ilaa 2,193 kuwaas oo doortay Xildhibaannada la dhameystiray ee 43-da ah.

Afartan iyo Sedexda(43) Xildhibaan ee la doortay waxaa ku jira ilaa 16 Xildhibaan oo horay ugu jiray baarlamaanka Soomaaliya hadana dib u soo laabtay, Lix(6) ka mid ah Xildhibaannada soo laabtay waa wasiirro dowladda Xasan Sheekh ka mid ah.

Intii doorashada ay socotay waxaa tartanka laga saaray wasiirka Petroolka federaalka ah Maxamed Mukhtar Ibrahim sababo ay guddiga doorashada Jubbaland ku sheegeen musuq, waxaa kaloo Goobjoog News la soo xiriiray Ugaas  Ibrahim Ugaas Aden Geelle oo ka tirsan Bartire, Odayga waxaa uu sheegay in kursiga uu mas’uulka ka ahaa la musuqay.

Si kastaba ha ahaatee, Jubbaland doorashadii labada aqal waa dhameysay halka maamul goboleedka sida Somaliland aaney doorashada labada aqal weli bilbaabin, Jubbaland waxaa ay doorashada aqalka hoose ka bilaabatay November 8, 2016.

Hadaba Halkan Hoose Ka Akhriso Xildhibaannada 43-da ah Ee Lagu Doortay Jubbaland:

Siyaasiyiin Baarlamaakii Hore Ku Jiray Oo Dib U Soo Laabtay:

Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig: Xildhibaan iyo Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha.

Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibrahim: Xildhibaan, Wasiir Ku Xigeenka shaqada iyo shaqaalaha.

Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac, Xildhibaan iyo Wasiir hore ee qoyska

Xildhibaan Xamze Sheekh Xasan Colow, Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Luul Cabdi Aden : Xildhibaan Federaalka ah

Xildhibaan Cabdulahi Yusuf Xasan: Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Cabdi Casis Cabdulahi Yusuf: Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan C/qaadir Sheekh Cali : Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Cismaan Ibraahim  Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Maxamed Cumar Cali Caano-nuug : Xildhibaannadii KMG

Xildhibaan C/raaxmaan Kumiye Xirsi, Xildhibaan iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada

Xildhibaan Sahro Jaamac Qorsheel : Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Liibaan Osman Abdirahman: Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan : Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan : Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Cabdulahi Maxamed Aden-Shaacir: Xildhibaan federaalka ah

Xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi : Federaalka ah

Xildhibaanno  Cusub Oo  Markii Ugu Horeysay Aqalka Hoose Ka Mid Noqday:

Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan

Xildhibaan Farxiyo Xasan Axmed

Xildhibaan Sacdiyo Muuse C/laahi

Xildhibaan Cabdulahi Obokor Xaaji

Xildhibaan Haashim Nur Aden

Xildhibaan Jibril Cabdirashid Xaaji

Xildhibaan Maxamed Cali Xuseen

Xildhibaan Cabdiqadir Aden Nur

Xildhibaan  Xasan Cabdi Ismacil

Xildhibaan Xaawo Maxamed Aden

Xildhibaan Aden Isaaq Cali.

Xildhibaan Maxamed Aden Macalin

Xildhibaan Maxamed Xasan Idirisa

Xildhibaan Cbbaas Cabdulahi S. Siraaje

Xildhibaan Cabdi Aziz Abdulahi

Xildhibaan Maxamed Diriye Khalif

Xildhibaan Cali Maxamed Muse

Xil;dhibaan Maxamed Nuur Iftin

Xildhibaan Saqar Ibrahin Abdalla

Xildhibaan Cabdifatax Maxamed Cali

Xildhibaan Cabdiqadir Maxamed Cusmaan

Xildhibaan Sahro Xuseen Cali

Xildhibaan Dalees Xasan Aadan

Xildhibaan Cali Cusmaan Xersi

Xildhibaan Sagal Cabdirisaq Biixi

Xildhibaan Ibrahim Maxamed Xuseen

Puntland waa dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee doorashada aqalka hoose ka bilaabato, November 5 ayey bilaabeen, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayey doorashada sidoo kale ka socotaa, dhammaantood waxaa ay ku guul-dareysteen in xildhibaannada la doorto ka hor November 23, xiligaas oo lagu ballan-sanaa doorashada guddoonka baarlamaanka.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,