U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Billowday Qorshe Shaqo Loogu Abuurayo Dhallinyarada

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa billaabey qorshe ballaaran oo shaqo abuur loogu sameynayo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubada Hoose.

Magaalada Kismaayo waxaa tababaro dhanka farsamada gacanta ah loogu qabtey dhallinyaro badan kuwaasi oo markii ay tababarada dhameystaan la siiyo qalab ay ku shaqeeyaan, ama lala raadiyo shaqooyinka lasoo baray.

Wasiirka waxbarashada Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud oo ka hadlay munaasabad loo dhigey arday ka qalijabisay barashada Harqaanka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dhallinyarada Jubbaland ay helaan shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan.

Wuxuu sheegay wasiirka in hadda la xoojiyey in wax la baro dhallinyarada, si aaney mugdi u gelin mustabalkooda dambe.

“In Dhallinyarada loo abuuro shaqo ay tahay badbaadinta qaranka, haddii aaney dhallinyarada helin shaqo iyo waxbarasho ay u sahlanaaneyso iney aadaan badda, ama iney la shaqeeyaan kooxaha nabad diiddka ee diiddan horumarka umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirka.

Magaalada Kismaayo ayaa kasoo kabaneysa burbur badan oo soo gaaray wixii ka dambeeyay burburkii dalka, iyadoo maamulka Jubbaland uu hadda waddo qorshe ballaaran oo shaqo abuur loogu sameynayo dhallinyarada ku sugan Kismaayo.

Goobjoog News