U bood dhigaalka

Jubbaland Oo DF Ku Eedeysay Amni Xumada Gobalka Gedo Ka Dib Dilal Ka Dhacay Gobalkaasi

Sheeko:Amniga

Xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Jubbadland islamarkaana u waramay Goobjoog News ayaa waxa ay eedeyn kulul u jeediyeen madaxda u sareysa dalka sida madaxweyne Farmaajo iyo ra’isulwasaare Kheyre.

Mudanayaashan ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dayacday amniga gobalka Gedo waxa ayna tilmaameen in amni xumada soo wajahday gobalka ay  masuuliyadeeda qaadayaan madaxweyne Farmaajo iyo taliska hey’adda nabad sugidda Soomaaliya.

Sidoo kale xldhibaanadan oo sii hadlay ayaa waxa ay carabka ku dhufteen in ciidamo aad u fara badan laga soo daadgureeyay degmada Baardheere islamarkaana ciidankaasi la soo dhoobay degmada Beladxaawo, taasina ay keentay in amnigii degmada Baardheere uu faraha ka baxo.

Ugu dambeyn xildhibaanadan ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in ay culeyska siyaasadeed ka dul qaado maamulka Jubbalnad, maadama bey yiraahdeen haatan la isku mashquuliyay ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa dowladda ay gobolkaasi geysay xilli ay meesha ka baxday feejignaantii dhinaca amniga.

Qeylo dhaantan ka soo yeertay Jubbaland ayaa waxa ay ku soo aadeysa iyada oo xalay degmada Baardheere lagu dilay saddex guddoomiye waaxeed oo degmadaasi ka tirsanaa.

Goobjoog News