U bood dhigaalka

Jubbaland Oo DF Ku Eedeysay Khalkhal Amni, Digniina U Dirtay Seeraar Iyo Xiddig

Sheeko:Amniga

Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa dowladda federaalka Soomaaliya  ku eedeysay in ay ka dambeysay dagaalkii maalinimadii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, una dhaxeeyey ciidamada amniga Jubbaland iyo kuwo taabacsan Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xiddig.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa xusay in dowladda federaalka ah ay dooneysay in khalkhal amni ay ku abuurto wafdi ka socday dowladda Mareykanka iyo taliska Africom oo shalay gaaray magaalada caasimadda ku meel gaarka u ah Jubbaland ee Kismaayo.

“Waxaa dhacday in dowladda federaalka ah ay ka shaqeysay in Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig ay abuuraan qas iyo qalaase amni oo ay galiyaan imaatinka safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Taliyaha heysta ciidamada Africom  Stephen Townsend oo imaanayey magaalada Kismaayo” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Jubbaland ay ka warheysay waxaa ay damacsanaayeen Seeraar iyo Xiddig, lagana digtoonaa, waxaana uu xusay in laga hortagay isku daygaas oo ciidamada amniga ay ka horyimaadeen, waxaana uu yiri.

“Arrintaas waa laga warhaayey, waana laga digtoonaa in ay rabeen qalalaaso galiyaan magaalada,  jekboontiyeyaal ayaa agagaarahooda la dhigay  kuwo kale horay ayeey u yaaleen meelahaas  isku dhac ciidanka ayeey ka sameeyeen wax dhimasho iyo dhaawac ah midna majiro si nadiifa ayey ku istaagtay oo ciidamadu amnigu u soo afgareen”

Dhinaca kale wasiirka ayaa digniin u diray Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid xidig, waxaana uu sheegay in hadda ka dib Jubbaland aysan u dulqaadan doonin qalalaaso amni oo ay ka abuuraan, waxaana uu intaas ku  daray in wixii ka yimaado ay qaadanayso dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan bulshada Jubbaland iyo umadda Soomaaliyeed ogeysiinaynaa in mudo lix bilood ah aan u dul qaadaneynay raggaas oo dowladda federaalka maskaxdooda iyo ra’yigooda ku shaqeeyo wixii intaas ka dambeeyana ma’ ahan wax aan u dul;qaadan doono wixii ka yimaadana waxaa qadayso dowladda federaalka” ayuu yiri wasirka warfaafinta Jubbaland.

Ugu dambeyn wasiirka warfaafinta dowlad gobaleed gobaleedka Jubbaland  Cabdi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Jubbaland ay dhowr jeer isku dayday in ay wadahadallo la gasho Cabdinaasir seeraar iyo Cabdirashiid Xidig.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa intii aan sulux ku xalin karnay dhaqan, aqoonyahan iyo culimada waan adeegsanay intaan in ka badan in qas iyo qalalaaso ay Jubbaland ay ka siiwadaan inta lacag loo soo diro uma dulqaadan doono” ayuu hadalkiisa ku soo koobay wasiirka warfaafinta Jubbaland.

Hadalka ka soo yeeray dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo khilaaf xoogan uu ka dhex jiro Jubbaland iyo dowladda federaalka oo ka dhashay doorashadii dhawaan lagu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe, wixii intaas ka danbeeyey waxaa sii xumaanayey xiriirka labada dhinac.

Goobjoog News