U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Duulaan Ku Ah Al-shabaab, AMISOM La’aanteed

Sheeko:Amniga

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay ka maamulaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in maamulkooda ka go’an tahay sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegananada ay hadda ku sugan yihiin.

Waxa uu Madoobe u sheegay ciidamada Jubbaland in howlgalkaan ay kaligood ku yihiin oo aanay jiri doonin ciidamo AMISOM ah oo xilligan u diyaar ah iney howlgalladan ka qeybgalaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in diyaar u yihiin iney dhaqaaqaan ayna soo dhoweyn doonaan cid walbo oo caawisa sida AMISOM iyo sidoo kale dowladda federaalka ah.

Jubbaland ayaa bartilmaameedkeeda ugu horreeya wuxuu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Bu’aale ee caasimadda maamulkaasi.

Goobjoog News