U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Fasaxday Qaxootigii Ay Ku Xanibeen Degmada Dhoobley, J/hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa ogolaaday inay soo gudbaan qaxooti Soomaaliyeed oo ku sugnaa degmada Dhadhaab kuwaa oo ka yimid dalka Kenya, balse Jubbaland diiday inay soo gudbaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiisha ayaa sheegay in kulan ay Kismaayo kula qaateen saraakiil ka socotay UNHCR kadib la isla fahmay in la fasaxo dadkaan ku xayirnaa Dhoobley oo tiro ahaan gaaraye 1,100 ( Kun iyo Boqol) qof.

“Waxaan shirnay madax ka socotay UNHCR, aad baan isku af garannay, waxaan ku heshiinnay Saddex qodob oo kala ah Qaxootigii aan ku hakkinnay Dhoobley ee u kala socday Jubbaland iyo Koonfur Galabeed aan u fasaxno meelihii ay u socdeen inkastoo dhibaatadii ka cabaneyn ay jirtay oo ah in aanay jiri meel u diyaarsan, waxaan ku heshiinay in muddo 7 cisho ah degdeg loogu baaqo Saddex geesoodkii heshiisyada gaaray ee dowladda Federaalka, UNHCR, Kenya iyo deeq bixiyayaasha, qodobka Saddexaad oo ah inaaan qaxooti kale lasoo rarin  illaa inta ay isaga yimaadaan Saddex geesoodkii heshiiska horay u gaaray” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Darwiisha ayaa sheegay in ulajeedka ay ka lahaayeen celinta qaxootiga soo laabanaya ay ahayd in shacabka aan la isku soo celin balse qorshe loo  sameeyo.

Jubbaland ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin in qaxootiga Soomaaliyeed ee laga soo celiyo xeryaha Kenya ay ku biiraan barakacayaasha dalka ku sugan, balse ay doonayaan in dadka meello loo sii diyaariyo.

Goobjoog News