U bood dhigaalka

Jubbaland oo Hakisay Wada Shaqeynta iyo socodka Kala Dhaxeeya Xukuumada Federaalka ah

Sheeko:Dalka

Kulan maanta ay golaha wasiirrada Jubbaland ku yeesheen Kismaayo, uuna goobjoog ka ahaa madaxweynaha maamul goboleedka Axmed Madoobe ayaa la go’aamiyey in la hakiyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka ah

“Waxaa golahu dood dheer ka yeeshay faragalinta qaawan ee Dowlada Federaalku ku hayso hanaanka doorashooyinka Jubbaland iyo khalkhalgalinta joogtada ah waxaana golahu uu soo saaray in la hakiyay maanta laga bilaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka ah iyo Jubbaland go’aankaas ayay golahu gacan taag ku meel mariyeen dhamaan Shacabka ree Jubbaland ayaa loogu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo aan mara la kala qaybin” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal fadhiga ka soo baxay.

Jubbaland waxaa bisha soo socota ka dhaceysa doorashooyin, waxaa ayna ka cabaneysaa in dowladda federaalka ah ay fargelin ku heyso.

Goobjoog News