U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Ka Hadashay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Kismaayo

Sheeko:Amniga

Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay dagaal shalay gelinkii dambe ciidanka daraawiishta maamulkaasi iyo dagaalyahanada Al shabaab ku dhexmaray deegaan qiyaastii 150-km u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose.

Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Qooqaani ayaa yimid ka dib markii dagaalyahano ka tirsan Al shabaab ay dhabada u galeen kolonyo ka tirsan ciidanka Jubbaland oo ku sii jeeday degmada Dhoobleey, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo la hadlay GoobjoogNews ayaa waxa ay sheegeen in khasaare xoog leh ay gaarsiiyeen dagaalyahanada Al shabaab ee weerarka ku soo qaaday waxa ayana xuseen in dagaalkaasi ay ku dileen 8 dagaalame oo ka tirsan Al shabaab.

Dhinacooda Jubbaland waxa ay sheegeen in dagaalkaasi ay uga geeriyoodeen 2 askari oo sida ay sheegeen uu la kacay gaari walxaha qarxa ay ku rakibnaayeen Al shabaab, waxaana sidoo kale dagaalkaasi ku dhaawacmay 2 askari sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland.

Ciidamada Jubbaland ayaa haatan dhaqdhaqaaqyo ciidan waxa ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Jubbada hoose, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Axmed Madoobe u ku wajahanyahay degmada Dhoobleey.

Goobjoog News