U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Ka Hadashay Howlgal Ay Ku Dileen Xubno Al-shabaab Ah

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin ka bixisay howlgal ay ciidamadooda ka fuliyeen deegaanno ka kala tirsan Jubbada Hoose iyo Gedo.

C/nuur Ibraahim Xuseen, afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland ayaa ugu horreyn sheegay in howlgalladaasi ay ku dileen xubno ka mid ah Al-shabaab, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen xubno kale, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Afhayeenka ayaa sheegay in Afar Xubnood oo Al-shabaab ah ku dileen howlgal ay ciidanka Jubbaland ku sameeyeen deegaannada Cabdalla Biroole, Yaaq Bishaaro iyo deegaanno kale oo ku dhow degmada Jamaame.

Sidoo kale, Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland ayaa sheegay in Al-shabaab ka qabsadeen saanad ciidan, welina howlgallada yihiin kuwo soconaya.

Ka sokow sheegashada Jubbaland, ma jirto wax war ah oo arrintan ay kasoo saareen ururka Al-shabaab oo ka dagaallama meello ka mid ah gobollada dalka.

Goobjoog News