U bood dhigaalka

Jubbaland oo Ka Hadashay Weerar Al Shabaab Ay Ku Qaadeen Dhoobleey

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxa uu ka hadlay weerar Al shabaab ay ku qaadeen xero lagu tababaro ciidanka Jubbaland oo ku taal degmada Dhoobleey ee gobalka Jubbada hoose weerarkaas oo sababay khasaare kala duwan.

Saraakiisha ciidanka ayaa laga soo xigtay in weerarkaas oo dhacay xalay ay iska caabiyeen dagaalamayaashii ka tirsanaa Al shabaab ee weerarka soo qaaday waxaana saraakiishu ay sheegeen inay halkaasi ku dileen labo dagaalame.

“Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Dhoobley ayaa iska caabiyay xalay weerar ay kooxda argagixisadda Al-Shabaab ku soo qaadeen Dugsiga Tababarka ee Dhoobleey. Ciidanka Jubbaland oo qabay foojignaan dheeraad ah ayaa jilibka u aastay argagixisadda iyagoo markii dambe dhabarka ka jabiyay” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta Jubbaland.

Ma jirto war ka soo baxay Al shabaab oo ay uga hadleen weerarkan ay ku qaadeen dugsiga tababarka Dhoobleey, waxaana maanta degmadaasi  laga dareemaya  dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Al shabaab ayaa weerarro kala duwan ku ekeeya fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya waxaana mararka qaar weerraradaas ka dhasha dagaallo toos ah oo dhexmara labadaasi dhinac.

Goobjoog News