U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Ka Warbixisay Howlgallo Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowlad gobaleedka Jubbaland oo kaashanaayo kuwa xoogga dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka wadeen deegaanno hoos yimaada magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgaladas ay guulo waaweyn ka soo gaareen ciidamada is kashanaayo ee xoogga dalka iyo Jubbaland.

Afhayeenka wasaaradda dowlad gobaleedka Jubbaland Cabdinuur ibraahim oo wareysi gaarka ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgaladaasi ay ku dileen lix xubnood oo ka tirsan dagaaliyahanada Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay, Waxa uu sidoo kale sheegay in howlagaladaan  ay sii socon doonaan inta degaannada ka maqan gacata Jubbaland dib loogu soo celinayo .

Sidoo kale Afhayeen Cabdinuur ayaa sheegay ciidamada dowlad gobaleedka Jubbaland iyo kuwa Al Shabaab ay ku dagaalameen deegaannada Ceel Biroole iyo Yaaq Bishaara, waxaana uu xusay in ciidamadu ay halkaas ay ku burburiyeen saldhigyo ayna ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Alshabab” Ciidama Jubbaland qeybta waqooyiga Kismaayo ayaa maalmaahaan waxa ay howlgallo ka wadeen eeriyada Cabdulle Biroobe iyo deegaanada hoos yimaada howlgallaas waxaa burburin iyo kala ceyrinba lagu sameeyay kooxaha nabad diidka deenka Yaaq Bishaara waxaana halkaas looga dilay lix ruux ciidamadu halkaas guul ayeey ka gaareen waa sida uu hadalka u dhigay Afhayeen dowlad gobaleedka Jubbaland”

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wato ayaa warbixiyay howlgallo ay ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland oo is garab sanaya ay ka wadaan deenaada hoos yimaada magaalada Bu’aale ee caasimadda Jubbaland waxaana uu sheegay in Jubbaland iyo xoogga dalka ay ka go’antahay gaaritaanka magaalada Bu’aale isaga oo ka hadlaayana waxaa uu yiri” Degmada Bu’aale iyo deegaannada hoos taga howlgallada ka socda oo ay wadaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka oo iskaashanaayo  guud ahaan in Shabaab dalka laga saaro waa lagu qasban yahay degmada Bu’aale iyo deegaanada hoos tagana waxaan rajeynayaa in laga xoreeyo oo gacanta maamulkooda iyo dowladdooda dib loogu soo celiyo”

Hadalka afhayeenka wasaaradda amniga dowlad gobaleedaka Jubbaland ayaa ku soo aadaya ayadoo maalmahaan ciidamada iyo kuwa xoogga dalka qeybta 43-aad ay howlgallo kawadaan deegaanno ka tirsan jubbooyinka iyo gobalka Gedo.

Goobjoog News