U bood dhigaalka

Jubbaland oo Ka Warbixisay Howlgallo Laga Sameeyey Magaalada Kismaayo

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo ka sameeyey  xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo ee caasimadda u ah maamulkaasi, howlgalka ayaa yimid ka dib weerar Bam loo adeegsaday oo ka dhacay magalaada habeen ka hor ayaa lagu soo qabqabtay tiro dad ah  oo ciidamadu sheegeen in looga shakiyey Al-shabab.

Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Faarax Raage oo ka tirsan Saraakiisha Nabad Suggida dowlad goboleedka Jubbaland oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in weerar loo adeegsaday  Bom gacanta tuuro oo  lagu qaaday maqaaxi ku taalla agagaarka Aargada Magaalada Kismaayo, oo dhimasho iyo dhaawac sababay dad rayid ah.

Gaashaanlaha ayaa xusay in howlgalkaan laga sameeyey Kismaayo oo ay qeyb ka ahaayeen ciidamada Nabad Sugidda lagu soo qabay dad looga shakisan yahay in ay ka tisanaayeen Al-shabab laguna wado baaritaan wuxuu intaa ku daray cidii ay ku cadaato in la hor keenayo cadaaladda halka kuwa kale ay dib u helayaan xoriyadooda.

” Waxaan u sheegeynaa inaan ku daba jirno oo aan qaban doonno sidii markii hore aan u qaban jirnay aan u keeni jirnay cadaaladda baan haddana kuwaas u qaban doonna, dad waxaa jiro la qabtay oo baaris ay ku socoto qofkii uu ku cadaado sharciga ayaa la horkeeni doonaa qofkii kalena xor ayuu noqon doonaa” ayuu yiri G/ Ismaaciil Faarax.

Dhanka kale Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Faarax ayaa shacabka magaalada Kismaayo iyo guud ahaan shacabka Jubbaland ka dalbaday in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortago falalka amniga qalqalgeliyo.

” Aad ayaan uga xun nahay wixii dhacay leenahay intii wax ku noqotay allah caafiyo qofkii ku dhintayna samiri iyo imaan Allah inaga siiyo Ehelkiisa iyo ingab, waxaan rabaa inaan u sheego shacabka reer Jubbalanad gaar ahaan kuwa reer Kismaayo in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka sidii ay markii hore ula shaqeyn jireen” ayuu yiri.

Howlgalkaan ka socda magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo habeen ka hor weerar Bom loo adeegsaday lagu qaaday Maqaaxi ku taallo agagaarka Aargada magalada, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa goobta waxaa dhintay hal ruux halka tiro kalena ay soo gaareen dhaawacyo.

Goobjoog News