U bood dhigaalka

Jubbaland oo Ka Warbixisey Howgallo Ka Socda Jubbada Dhexe

Sheeko:Amniga

Taliyaha ciidanka Daraawiishta dowlad gobaleedka Jubbaland Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta maamulkaas ay ka fuliyeen deegaanno hoos yimaado gobalka Jubbada dhexe.

Taliyaha ayaa sheegay in howlagallada laga fuliyey deegaanno ay ka mid tahay Jamaame iyo kuwo kale oo hoos yimaado Jubbada dhexe ay fuliyeen ciidanka maamulka Jubbaland iyo kuwa xooga Dalka isaga oo xusay in khasaare ay gaarsiiyeen Al-shabab.

“Aagaas Jubbada dhexe jab ayaa lagu gaarsiiyey khasaare dhimasho iyo dhaawac ayay kala kulmeen oo ilaa 8 dagaalamayaal ayaa lagu dilay waxaana lagu lagu dhaawacay tiro sidoo kale waxaa lagu burburiyey fariisimadii ay ku lahaayeen goobta ee ay ka soo duuli jireen waana la kala ceyriyey” ayuu yiri Taliye Ibraahim.

Sidoo kale taliyaha oo hadalkiisii sii wata ayaa xusay in howlgalka ay ka qeybqaadanayaan ciidamada daraawiishta Jubbaland, iyo ciidamada xoogga dalka qeybta 43-aad waxaana uu intaas raaciyey in howlgalku yahay mid isku tashi ah.

“Waa howlgal mideysan haddana sidii ayaan uga mideysan nahay waana ka qeyb qaadaneynaa annaga iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ee qeybta 43-aad, cid weliba oo naga gacan siineysa waan soo dhaweyneynaa howlgalkaan waa isku tash”.

Dhanka kale Taliyaha ciidanka darawiishta Jubbaland Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa sheegay in howlagalladu ay sii socon doonaan inta ciidamadu ay ka gaarayaan deegaannada ka maqan gacanta dowlad gobaleedk Jubbaland ee gacanta ugu jira Al Shabaab.

“Waxaa qorsheysan howlgallo loogu talo galay in lagu xoreeyo gobalka Jubbada Dhexe iyo deegaannada kale ee ku jira gacanta Al-shabab, hadda waxaa ay marayaan meel gabo -gabo ah, sidaas darteed waxaan rajeynayaa in dhawaan goobaha aan qorsheynay ay gaari doonaan ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka”.

Hadalka ka soo yeeray Taliyaha ciidamada daraashiishta Jubbaland ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo maalmihii tagay howlagallo ay ciidamada wajirka ah ay ka wadeen deegaannada jubbaland,walow ciidamadu horay deegaannada qaar inta gaaraan ay dib uga soo laabtaan.

Goobjoog News