U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Lagu Eedeeyay Hurin Colaadeed

Sheeko:Dalka

Eng Mamaxed Salaad oo mar soo noqday xildhibaan ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland islamarkaana la hadlay Goobjoog News kana hadlayay dagaal beeleedka ka socda duleedka magaalaad Kismaayo ayaa sheegay in dagaalkaasi ay hurinayaan siyaasiyiin ka tirsan maamulka jubbaland kuwaas oo sida uu sheegay baadi goob ugu jira deegaano cusub.

“Dad siyaasiyiin ah oo iyagu dana gaara leh ama deegaano cusub raadinaaya ayaa dadkaan oo xoolo dhaqato ah waxaa ka faa’iideystay siyaasiyiin ka tirsan maamulka haatan talada haya” ayuu yiri Eng Maxamed

Sidoo kale xildhibaankan oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in dadkan aysan waligood dhul daaqsin isku qabsan, waxa uuna ka dhawaajiyay in siyaasiyiin ka tirsan Jubbaland ay dadkaasi u kala adeegeen.

“Dadkaas waligood daaqsin iskuma qabsan, deegaan iskuma qabsan waa wiil iyo abtigii laakiin waa loo kala adeegay dad baa u kala adeegay maamulka talada haya ee Kismaayo jooga ayaa u kala adeegay oo xilal sheeganaya” ayuu yiri xildhibaan Eng Maxamed Salaad.

Dhinaca kale Eng Maxamed ayaa ka haday sababta ay dowladda federaalka uga aamusantahay dagaal beeleedkaas waxa uuna ku sababeeyay in dowladdu aysan aqoonsanayn maamulka Jubbaland.

Isagoo arrintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Maadaama dowladda aysan aqoonsanayn maamulka haatan jira iyada waxaa laga rabaa in ay isticmaasho awoodaha ay leedahay ee uu u fasaxayo dastuurka”

Ma jirto wali wax wara oo ka soo baxay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo looga hadlayo dagaal beeleedkan ka soconaya duleedka Kismaayo oo la soo warinayo in dad kor u dhaafaya 30 qof ay ku geeriyoodeen halka qaar kalane ay ku dhaawacmeen oo waliba qaarkood la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

Dagaal beeleedyada ka qarxa deegaanada iyo degmooyinka qaar ee dalka ayaa intooda badan waxa ay salka ku hayaan dhul daaqsin iyo aanooyin qabiil iyada oo aysan jirin wali wax xala oo loo helay dagaal beeleedyada ku soo noqnoqda dalka.

Goobjoog News