U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Looga Digey Qaadista Weeraro Qorshe La’aan Ah

Sheeko:Amniga

Xildhibaan Farxiyo Xasan Axmed oo ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka 10-aad, lagana soo doortay deegaannada maamulka Jubbaland ayaa maamulkaasi ku eedeysay dayacaad amni iyo in ay qaadaan weerarro aan qorsheysneyn oo waxyeello ka soo gaarto dadka rayidka ah.

Xildhibaan Farxiyo oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegtay in Shacabka ku nool deegaannada Jubbaland ay qabaan baahi amni, balse ay tahay in laga taxadaro howlgallada la qaadayo waxaa ayna tiri.

“Dagaalka Markii la qaadayo waxaa uu u baahanyahay baaraandeg, waxaa loo baahanyahay qorshe iyo ciidan dhammeystiran, balse in ciidamo yar oo aan baaraandegsaneyn in ay meel tagaan xabado ridaan Shacabkana lagu xasuuqo dhibaato weyn waaye”.

Xildhibaan Farxiyo mar ay ka hadleysay deegaanka uu dagaalka ka dhacay ee Badhaadhe waxaa ay sheegtay in dad ay waxa ku noqdeen “Waxaa ay wax ka dhaceen waa deegaanka Badhaadhe hadda ko horna sidaan camal ayay uga dhaceen intii la galay Subaxnimo ayaa lagu laayay Shacab iyo Xoolo ka dibna waa la iskaga baxay, Waxaa jira howlgallada Ciidamada in ay yihiin ku dhofoo ka dhaqaaq ah magaalada ayaa la soo gala xabado ayaa la ridaa ka dibna waa laga baxaa sidaasna waxaa ku dhaamanaya Shacabka”.

Xildhibaanka mar ay ka hadleysay khasaaraha soo gaaray dadka Shacabka ayay ku sheegtay in ay gaareyso dhimashada 3 qof, halka dhaawacana uu intaasi ka badanyahay.

“Waxaa la iigu sheegay dhaawaca Saddex qof balse khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac la iima sheegin, dhaawacyada waxaa loo soo qaaday deegaanka Kulbiyow”.

Ugu dambeyn Xildhibaan Farxiyo Xasan Axmed ayaa digniin u jeedisay Maamulka Jubbaland iyada oo sheegtay in ay ka fiirsadaan weerarad ay qaadayaan” Waxaan digniin u dirayaa Maamulka Jubbaland haddii aan la qaadeyn dagaal baaraandeg ah waa in dadka laga daayaa ku dhufoo ka dhaqaaq”.

Goobjoog News