U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Mamnuucday Beerista Maandooriyaha Tubaakada

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa digniin u diray dad la sheegay in waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaan Tubaakada ay ku beeraan degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiirka amniga maamulkaasi C/rashiid Janan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aanay aqbali doonin Maandooriye dambe oo lagu beero deegaannada Jubbaland.

Si gaar ah wasiirka wuxuu sheegay in ay mamnuuc tahay in la beero maandooriyaha Tubaakada oo aad uga baxda deegaanno ka mid ah gobolka Gedo.

“Maanta wixii ka dambeeya waxaan idiin sheegayaa in Tubaako dambe aan la beeri karin, dadka hadda ay u baxeyso hasoo goostaan, wixii ka dambeeya waa dambi ciddii lagu arko webiga ayaana looga shubi doonaa” ayuu yiri wasiirka.

Hadalkaan wasiirka amniga Jubbaland kasoo yeeray ayaa imaanaya xilli deegaanno badan oo gobolka Gedo aad loogu beero Maandooriyaha Tubaakada oo dad badan isticmaalaan.

Goobjoog News