U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Mashaariic Horumarineed Ka Hirgalineys Degamada Baardheere Ee Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ka socda maamulka Jubbaland ayaa waxa ay xarigga ka jareen wajiga labaad ee Mashaariic lagu horumarinayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay degmada  gaareen wafdi iskugu jira wasiirro, Xildhibaanno iyo saraakiil sare oo uu hogaaminayo Cabdirashiid Xasan Cabdi oo ah wasiirka amniga ee Jubbaland.

Mashaariicdan horumarineed ayaa ah kuwo ay maal-gelineyso Midowga Yurub waxaana ka mida ah Biyo-xireen laga sameynayo duleedka magaalada Baardheer, Ceel-biyood ku shaqeeya Tamarta Ileyska  iyo Buundho Jiifto laga sameynayo togga weyn ee aada wadada Saakow.

Ugu horreyn waxaa hadal ka jeediyey munaasibadda xarig-ka-jarka Mashaariicda guddoomiyaha degmada Baardheer Cabdullaahi Nuur Xasan waxa uuna yiri:

“Mashaariicdaan waa wajigii labaad, sidaad ogtihiin mashaariicdii hore waxaa ka fulay in badan oo ay ka mid yihiin xarunta degmada, waxaa fulinaya mashaariicdan horumarineed Midowga Yurub”.

Goobjoog News