U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Qaadacday Shirka Arrimaha Maaliyadda ee DF Iyo kuwa xubnaha ka ah ay Ku Yeelan Doonaan Beydhabo

Sheeko:Dalka

War ka soo baxay dowlad goboleedka Jubbaland gaar ahaan xafiiska wasaaradda maaliyadda maamulkaasi ayaa waxaa gabi ahaanba lagu qaadacay shirka ay dowladda soomaaliya magaalada Beydhabo kula yeelanayso wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada.

Jubbaland ayaa waxa ay sheegtay in aysan shirkaasi ka qeyb gali doonin ka dib markii ay arkeen in dowladda federaalka ah ay cuna qabateyn ku hayso shacabka maamulkaasi, islamarkaana garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu dhibaateynayo masuuliyiintooda.

Sidoo kale waxa ay intaas hadalkooda ku dareen in aysan shirkaasi uga qeyb gali Karin sababo la xiriira wada shaqeyn xumo iyaga iyo dowladda dhexe soo kala dhexgashay.

Ugu dambeyn maamulka Jubbaland ayaa waxa ay cadeeyeen mowqifkooda ku aadan shirka Beydhabo waxa ayna tilmaameen in aysan shirkaasi ka qeyb gali doonin

Halkan ka akhriso bayaanka ay soo saareen Jubbaland.

Goobjoog News