U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Qaadeysa Dagaal Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dhowaan ay qaadi doonaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab, islamarkaana ay la wareegi doonaan degaannada ay ka joogaan Jubbooyinka iyo Gedo.

Wasiirka amniga ee Jubbaland C/rashiid Janan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa maamulkooda lagu amray iney qaadaan howlgallo uu sheegay iney dib u xoreyn.

Janan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay iney Al-shabaab ka saaraan dhammaan deegaannada ay dalka ka maamulaan, isaga oo dhanka kale shacabka wadashaqeyn ka dalbaday.

Sidoo kale, wasiirka ayaa u sheegay ciidamada howlgalladan fulin doona iney iska ilaaliyaan xilliyada howlgalka ay wadaan dadka shacabka ah, islamarkaana shacabka ay soo dhoweeyaan ciidanka kusoo wajahan.

Jubbaland ayaa muddooyinkaan qaadeysay weeraro ay ku baacsanayaan Al-shabaab, iyaga doo deegaanno dhowr ah qabsaday.

Goobjoog News