U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Qorsheyneysa In Shacabka Gedo Doortaan Maamulkooda

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland ayaa sheegtay iney waddo qorshe ah in shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ay doortaan maamulkooda degmo iyo gobol intaba.

Wasiirka wasaaraddaasi, Maxamed Warsame Darwiish oo boqolaal qof oo shacab ah kula hadlay degmada Baardheere ayaa tilmaamay iney dhammaatay waqtigii shacabka loo keeni lahaa maamul aysan fahmi kareyn, loona gudbayo in dadka iyaga soo doortaan cidda ay rabaan.

Waxa uu tilmaamay wasiir Darwiish in la dhisi doono gole deegaan, maamulkana si hoose loo dedejin doono.

“Waan ogahay maamulka hadda jira waa la idiin dhisay, balse waxaan rabnaa in howsha hoos kasoo bilowno, la dhiso gole deegaan, dadkuna ay doortaan cidda ay u arkaan iney wax u qabaneyso” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Darwiish ayaa marar badan ku celceliyey in muhiimadda ay siin doonaan sidii shacabka ku heli lahaayeen madax ay ku qanacsan yihiin si ay u timaado wadashaqeyn buuxda.

Goobjoog News