U bood dhigaalka

Jubbaland oo Shaacisay Natiijada Shaqsi Ay Ka Baareen Xanuunka Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Guddiga ka hortaga COVID-19 ee Jubbaland ayaa xaqiijiyay in kiiskii laga shakisnaa ee magaalada Dhoobley laga waayay xanuunka Corona Virus, ka dib markii magaaladaasi lagu arkay qof qaba calaamadaha COVID-19.

Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa maalmo ka hor waxaa laga helay ruux lagu arkay calaamadaha xanuunka, kadibna baaritaan ayaa lagu sameeyay, Waxaana loo diray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaana guddigu u xaqiijiyay in shaqsigaas  laga waayay xanuunka COVID-19.

Jubbaland ayaa horay u xaqiijisay kiisas laba ah oo la xiriira caabuqa Coronavirus, waxaana labadaasi qof ee laga helay xanuunka ay ku sugnaayeen magaalada Kismaayo walloow markii dambe la sheegay in shaqsiyaadkaasi ay baxsadeen.

Guud ahaan Soomaaliya kiisaska laga diiwaan galiyay cudurka COVID-19 ayaa waxa ay gaaraysaa 136 kiis sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News