U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Sheegtay In Sharciga La Hor Keeni Doono Nin Xaaskiisa Dilay

Sheeko:Dalka

Laamaha ammaanka Jubbaland ayaa war ka soo-saaray dilka Muxubo Maxamed Guure oo Saygeeda Cabdullahi Asad Ismaaciil uu ku dishay magaalada Kismaayo 14-kii bishaan Apriil.

Taliyaha qeybta Booliska Jubbada Hoose Maxamed Naasir Guuleed ayaa sheegay in dhacdadaan lagu sameyn doono baaritaan qoto dheer islamarkaana sharciga la horgeyn doono eedeysanaha.

“Ninka Dilay Xaaskiisa waa la hayaa, wuxuuna isku soo dhiibay ciidanka Booliska Jubbaland, waxaa ku socda baaritaan la xiriira xaaladdiisa iyo qaabka uu dilka u dhacay, xilliga uu baaritaanka uu soogaba-gaboobo sharciga waxaa uu ka qabo ayaa loo soo bandhigayaa”.

Dhacdadaan ayaa todobaadkii hore ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, ninkan xaaskiisa dilay ayaa la sheegay in uuka tirsanyahay ciidamada maamulka Jubbaland.

Goobjoog News