U bood dhigaalka

Jubbaland oo Kala Saartay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiir ka tirsan maamulka Jubbaland oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegey in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya aysan wada ahayn kuwa mooshinka ka keeney golaha wakiilada ee Jubbaland, islamarkaasina aysan eedda wada saareynin baarlamaanka oo dhan.

Maxamed Nuur Buule Wasiir ku xigeenka macdanta iyo biyaha Jubbaland ayaa yiri “Ummad dhama, baarlamaanka Soomaaliya ee dowladda dhexe oo dhan ma ahan, wa qeyb ka mid ah, nimankaasina waxaan u arkaa niman mooryaan beeleed ah in ay yihiin, oo aanan lagu sheegi karin baarlamaan Soomaaliyeed, ama federaalnimo u qalma, ama 2016-ka hiigsiga ah kuwa Soomaaliya gaarsiin kara, waliba waxaan u arkaa niman ku celinaya ragaadkii Soomaaliya laga soo saaray ee 1991-dii, Muqdisho kaliya ma ahan Soomaaliya, gobolada dalka ayay ka yimaadeen meesha xarunta ah ee ay fadhiyaane waa Muqdisho, goboladii haddii lala diriro Muqdisho ma dhalin baarlamaanka, dowlad haddii aad maqashana waa rabitaanka shacabka, haddii shacabka la kasban waayo oo la daneyn waayo haddee cid la xukumaayo ma jirto “ .

Waxa uu rajo xumo ka muujiyey hiigsiga 2016-ka iyo in ay dhacaan doorashooyin, sababta qalqalka loo galinayo Jubbaland ay tahay in aanan hiigsigaasi la gaarin sida uu hadalka u dhigey.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xili shalay isniintii magaalada Kismaayo iyo magaalooyin kale oo Jubbooyinka ah ay ka dhaceen mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo go’aankii baarlamaanka federaalka uu kalsoonida kala laabtay golaha wakiiladda Jubbaland, waxa kale oo ay banaanbaxayaasha taageereen go’aankii Jubbaland ay xiriirka ugu jartay dowladda federaalka.

Goobjoog News