U bood dhigaalka

Jubbaland Oo u Jawaabtay DFS

Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay habraacii doorashooyinka baarlamaanka Jubbaland ee ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, wasiirka wasaaradda warfaafinta Jubbaland ayaa isaga oo la hadlayey BBC-SOMALI wuxuu sheegay in warqaddaasi tahay sharci darro aan geed loogu soo gamban.

Wuxuu sheegay wasiirka, in warqaddaasi ay la mid tahay kuwii ka horreeyey ee wasaaradda arrimaha gudaha usoo saartay sida indho la’aanta ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiir Cabdi ayaa dhanka kale sheegay in ay haatan aad ugu mashquulsan yihiin munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo DFS ayaa maraya halkii ugu sarreeysay, iyadoo dowladda dhexe ay qaadday tallaabooyin dhowr ah oo ay ku dooneysay iney kaga hortagto doorashada Jubbaland, wallow ay u dhacday si daah furan.

Goobjoog News