U bood dhigaalka

Jubbaland oo War Ka Soo Saartay Xirashada Niqaabka Ee Haweenku Isticmaalaan

Sheeko:Amniga

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo saartay amarro ku wajahan bulshada ku dhaqan deegaannada Jubbaland waxaana amarku si gaar  ah  u samaynayaa Haweenka oo looga digay in ay xirtaan Niiqaabka indhaha lagu xirto ee dumarka ay qaataan.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Facebook ee hay’adda ayaa  waxaa lagu sheegay in hey’adda horay u joosisay mar kalena ay ku cilinayso in loo hoggaanamo mamnuucidda  Niqaabka, sabab la xiriirta feejignaan dhinaca nabad-gelyada ah, waxaana lugu yiri  qoraalka ka soo baxay Nabad-suggidda & Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland.

“Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland waxay ku war gellinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan deegaanada Jubbaland in ay ka feejignaadaan adeegsiga ama xirashada Indho shareerka oo kol hore la mamnuucay.

Iyadoo laga hortagayo khatar amni oo ka dhalata xirashada Niqaabka ama indho shareerka waxaa suurto gal ah in Cadowga umada soomaaliyeed ay ka faai’deystaan Xirashada Indho-shareerka Xiliga adag ee Lagu gudo jiro ka hortaga Aafada COVID_19, shacabka rag iyo dumarba waxaa ay si siman u isticamaali karaan Gafuur Xirka afka qalaad lagu dhaho Face Mask”

Laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa heegan buuxa la geliyey si ay uga hortaggaan falal liddi ku ah amniga inta lagu jira xaaladda adag ee uu sababay sababay cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo bisha barakaysan ee Ramadaan waxaana muddooyinkii dambe xaafada kala duwan ee magaalada Kismaayo ciidamada ay ka wadeen  baaritaanno amniga lagu adkaynayey.

Goobjoog News