U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Xiriir Ganacsi La Bilaabeysa Soomaalida Itoobiya

Sheeko:Dalka

Xoghayaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi Kaahin ayaa sheegay inay heshiis dhanka ganacsiga ay la yeelan doonaan ganacsatada ismaamulka dowled deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

Raabi Kaahin oo sidoo kale ah xoghayaha rugta ganacsiga maamulka Jubbaland ayaa waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dowled deegaanka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya iyo ganasatada maamulkaas iyaga oo ay ka wada hadlay  sidii ganacsi xoogan labada dhinac u dhex mari lahaa.

Xoghayaha maamulka Jubaland oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in kulankooda uu ku saabsanaa sidii labada maamul  iskaashi ganacsi iyo xiriir wanaagsan oo u sameyn lahaayeen  iyo xiriir dhanka hormarkaa oo  laba  shacab yeeshaan.

“waxaa uu ahaa booqasho aan ku nimid dowled deegaanka Soomaalida kana mid ah booqashadii aan ku tagi jirnay dhulalka dadka Soomaalida dagaan, waxaana aheyn wafdi shan xubnood ka kooban, waxa aan u nimid waxaa ugu muhiimsanaa sidii dadku nolosha ay kor ugu qaadi lahaayeen ganacsiga iyo isu sosocodka labada dhinac, loo xoojin lahaa kobcinta dhaqaalaha , maamulka,  xasiloonida iyo ammanka in laga wada shaqeeyo, lana ilaaliyo dhinaca Soomaalida iyo dhanka kale ee dowled deegaanka oo xuduud dheer Soomaaliya la leh” ayuu sheegay Shaafi.

Mr. Raabi Kaahin oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Booqashadeenu ma aheyn mid rasmi ah, waxaa ay aheyd booqasho iska caadi ah  oo aan ku soo gaarnay deegaanka maadaama dadku yihiin dadkeenii iyo deegankeeniiba, in aan is xog waraysano ayuu jeedkeenu ahaa,  waxaa aan la kulanay bulshada qeybaheeda kala duwan, duqowda, dhaqanka iyo ganacsatada deegaanka iyo waliba rugta ganacsiga ee halkaan oo aan heshiis kala sixiixan doono”

Ugu dambeyntii waxaa uu yiri “waxaan kale oo aan la kulanay maamulka oo heerar kala duduwan ah wasiirada  qolyaha u qaabilsan waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha waxaana kala hadalnay sidii ardayda waxbarasho u helilahaayeen iyo caafimaad dadku inay helaan, runtii halkaan waxaa wax kabarta arday badan oo Soomaaiyeed  halka dadka kalane caafimaad u joogaan kuwana sharciyo iyo waxyaabo kale ku suganayaan ayaan islaqaadanay inaan  iskaashi badan aan samayno qorsha booqashadeenu intaas ayeey aheed”.

Goobjoog News