U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Yeelatay 17 Wasiir

Sheeko:Dalka, War

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa gelinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay wasiirada maamulkiisa oo muddo laga sugayey.

Afhayeenka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dhawaaqay magacyada 17 xubnoo oo wasiiro ah iyo ku xigeenadooda.

Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer waxa uu baarlamaanka Jubbaland ka codsaday in waqti loogu daro si uu usoo magacaabo wasiiradiisan.

Hoos ka akhriso

Wasiirradda:

  1. Mudane Maxamed Yuusuf Cumar – Wasiirka Macdanta Tamarta Iyo Biyaha
  2. Mudne Cabdinuur Cali Aadan – Wasiirka Warfaafinta iyo Tiknoolajiyada-Isgaarsiinta
  3. Mudane Cusmaan Xusaan Xaaji – Wasiirka Qorsheynta Iyo Xiriirka Caalamiga
  4. Mudane Maxamed Ibraahim Maxamuud – Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare
  5. Mudane Maxamed Cabdi Maxamed – Wasiirka Gaadiidka
  6. Mudane Aadan Ibraahim Aw-Xirsi – Wasiirka Cadaaladda, Dastuurka Iyo Arrimaha Diinta
  7. Mudane Cali Xaaji Nuur Cali – Wasiirka Caafimaadka
  8. Mudane Cabdirashiid Jire Qalinle – Wasiirka Maaliyadda
  9. Mudane Maxamed Warsame Faarax – Wasiirka Arrimaha Gudaha
  10. Mudane Axmed Cabdixafiid Maxamed – Wasiirka Deegaanka Iyo Dalxiiska
  11. Mudane Maxamed Nuur Buule – Wasiirka Xanaanad Xoolaha
  12. Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur – Wasiirka Amniga
  13. Mudane Shukri Weyrax Kaariye – Wasiirka Howlaha Guud Iyo Guryeeynta
  14. Mudane Maxamed Maxamuud Yuusuf – Wasiirka Dhallinyarada Iyo Isboortiga
  15. Mudane Fariid Jaamac Saleebaan – Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha
  16. Mudane Ibraahim Xasan Cabdi – Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda
  17. Mudane Geelle Muxumed Aadan – Wasiirka Beeraha

wareegto2 ok

Goobjoog News