U bood dhigaalka

Jubbaland: Ugaas Xuseen Oo Taageeray Hannaanka Doorashooyinka Dowlad Goboleedka

Sheeko:Baarlamaanka

Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane oo ka mid ah salaadiinnta dhaqanka ee dowlad goboleedka Jubbaland kana mid ahaa shaqsiyaadka kasoo horjeeday habka uu u socdo nimaadka habraaca doorashada Jubbaland ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo waxaa uu sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii uu uga soo horjeeday habraaca doorashooyinka Jubbaland, waxaa uuna yiri” Anniga oo daneynaya danaha bulsha weynta reer Jubbaland, kuwooda qaxootiga ah, masaakiinta ah iyo dayaca ay maanta u yaaliin markaan fiiriyay, waxaan go’aan saday inaan tanasulaad ka sameeyo arrimihii, is qabadkii aniga iyo maamulka  dhexdeena yaalay, inaan tanaasulaad ka sameeyo oo umaddaa ayada ah aan u samro, ”

sidoo kale Ugaas Maxamuud oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay inuu go’aan saday inuu siyaasadda uusan faraha la galin ee uu ahaado dhaqankii iyo samo ka taliskii markii hore ay reer Jubbaland ay u doorteen, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” maadaama aan ahay nin isim ah aanan aheyn nin siyaasi ah inaan dadku aniga i eersan oo Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud ayaa dhibkaas noo lahaa aan ley oran, oo aan dib ugu noqdo dhaqankeygii iyo howsheydii dhaqameed, maslaxana waxaan u arkaa umaddu in ay midowdo oo ay is fahanto”

Ugaaska ayaa dhanka kale ka hadlay tartanka siyaasadeed ee madaxtinimada Jubbaland, assaga oo reer Jubbaland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan qofkii loo doorto maxtinimada, waxaa uuna yiri” In la tarmaa waa muqadas Axmed Madoobe, Seeraar ama Xidig ha soo baxo, taasi waa siyaasad madaxweynaha hadda jira waqtigiisii waa dhamaaday tartan ayuu diyaar u yahay,ninkii ku soo baxo waa lala shaqeynayaa sidaan horay u sheegay”
Goobjoog News