U bood dhigaalka

Jubbaland: Wasiir Janan Waxa Uu U Dhaxeeyaa Nolol Iyo Geeri

Sheeko:Dalka

 Dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay ka walaacsantahay xaalada Wasiirkoodii amniga oo shalay hey’adaha booliska Soomaaliya ay sheegeen inuu baxsaday, waxa ayna sheegeen in xaalada wasiirka ay u dhaxeyso nolol iyo geeri.

Jubbaland waxa ay warkooda ku sheegeen in wasiir Janan loo diiday in ay la kulmaan ehelkiisa iyo cid kasta oo danaynaysa arimihiisa, waxa ayna xariggii Janan ku tilmaameen afduub.

Maamulka Axmed Madoobe, ayaa sidoo kale, waxa ay si deg deg ah u dalbadeen in xukuumada Federaalka Soomaaliya ay meel ku sheegto wasiirkii amniga Jubbaland oo iyaga u xirnaa, ka dib markii shalay la shaaciyay in wasiirku baxsaday.

Ugu dambeyn waxa ay beesha caalamka iyo shacabka soomaaliyeed u sheegeen in wixii ku yimaada wasiir Janan ay masuuliyadeeda qaadi doonto dowladda Federaalka.

Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka ay soo saareen Jubbaland

Goobjoog News